Details

Baaqa Dhaq-dhaqaaqa Hal Qaran

admin      July 28, 2016, 8:09 a.m.      284

Dhaq-dhaqaaqa Hal Qaran waxaa uu aaminsan yahay mabaad’ida hoos ku qoran oo dib loogu hananayo Qaranimada iyo Jiritaanka Umadda Soomaaliyeed.

Dib u soo celinta dowladnimadda Soomaaliyeed

Si dib loogu hanto qaranimadda Soomaaliyeed, waxaa lama huraan ah in shacabka Soomaaliyeed si buuxda looga qayb-galiyo geedi-socodka nabadda iyo dib-u-dhiska Dalka.

Daboolida Baahida loo qabo dawlad leh himilo waddaniyadeed

Dawladdu waa inay ahaato mid loo dhanyahay, federal, dimuqraaddi ah, karti leh, dadkuna kalsooni ku qabaan, isla markaasna ka tarjumaysa himilo waddani ah oo suurta gelinaysa xoojinta kartida hay’adaha dowliga ah ee halbowlaha u ah geedi-socodka nabadda iyo dib-u-dhiska dalka

Xaqiijinta helitaanka hoggaan Soomaaliyeed oo daacad ah

Dadka Soomaaliyeed waxa ay baahi xoogan u qabaan inay helaan hogaan daacad ah. Hal Qaran waxa ay horseedeysaa in la curiyo hoggaan leh himilo dhalin karta hiyi isbeddel, si looga baxo xaaladda qatarta ah ee dalku ku jiro

Dib-u-heshiisiinta iyo isku soo dhawaynta Ummadda Soomaaliyed

Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay in dib la isugu dumo, hadii aan dib loo soo celin kalsoonida dhexdooda ah, Soomaaliya ma noqon karto Hal Qaran.

Helitaanka Ammaanku wa xaq uu leeyahay qof kastaa oo Soomaali ah

Qofna lama dilikaro iyada oo lagu marmarsiinayo sugidda ammaanka. laguma xad-gudbikaro nolosha, xorriyadda iyo u madaxbannaanida aragtida qofna.

Doorasho xalaal oo loo dhan yahay ayaa abuuri karto degaanansho raagta

Soomaaliya waxaa ay ku raagtay xaalad ku-meel gaarnimo ah noqotayna mid joogto ah, si looga baxo. Umadda Soomaaliyeed waa in la siiyaa fursad ay ku doortaan hogaan la xaqiijyay kartidooda iyo wadaniyadooda.

Aragagaxinta looma adeegsankaro aalad siyaasadeed

Aragagixinta dadka rayidka ah marmarsiino uma noqon karto hiigsashada hindisayaal siyaasadeed oo dadka Soomaaliyeed ay ka soo gaarayso cawaaqib xumo. Argagaxu meelna kama soo galo hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida iyo hab-nololeedkoodaba.

Ka hortaga is kooxeeysi gaar ahaaneed oo lagu bur-burinayo qarinimadda Soomaaliyeed

Hal Qaran waxaa ay ka digaysaa kana soo horjeedaa Isbahaysiga kooxeed oo ku qotoma dano kooxeedyo kana tarjumayo dano gaar ah. Isbaheysiga nuucan ah waxa uu keeni karaa burbur siyaasadeed iyo kala fogaansho umadda Soomaaliyeed dhaxdeeda ah.

Xaqiijinta kobcinta Hay’adaha jilicsan ee Dowliga

Hal Qaran Si looga gudbo xaaladda cakiran ee dalku ku jiro, waa in la aqoonsado, la dhawro dadaallada ay gaareen degaannada iyo maamul gobolladeedyada dalka lagana sii ambaqaado. Waa in si buuxda loo taageeraa guusha iyo horumarka ay gareen maamul goboleedyadda dalka.

Helitaanka Cadaalad deeqda umadda Soomaaliyeed

Umadda Soomaaliyeed waxaa ay baahi wayn u qabtaa helitaanka cadaalad, hadii aan cadaalad la helin, Soomaaliya kama soo kabsaneeyso bur-burkii dagaalka sokeeye.

Joojinta dhaqanka Musuq-maasuqa iyo lunsashada hantida Qaran

Hantida loogu talagalo hay’adaha dowliga ah iyo dhinacyada kaleba waa inaan la lunsan, la maamul xumayn, loona adeegsan ujeeddooyin aan loogu talagelin. Kuwa ay maxkamad ku cadeeysana sharciga la mariyo.

Ilaalinta iyo diffaaca Bay’ada iyo deegaanka waa muhim

Xaalufinta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, bad iyo berriba, waxay halisgelinaysaa mustaqbalka dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaarka jiilka soo socda. Sidaas awgeed ilaalinta deegaanka waa in la siiyaa mudnaan lana abuuraa qorshe qaran

Beesha Caalamku waa ay ka fogaataa siyaasadda shakhsiyadeed

Beesha caalamku waa inanay shakhsiyaad ka doorbidin xoojinta hay’adaha dowliga ah. Waxaa kaloo Hal Qaran ku baaqaysaa in beesha caalamku ku taakuleeyaan umadda Soomaaliyeed inay gaarto dowladnimo buuxdo. Hal Qaran waxa ay uga mahadcelineysaa kaalmada joogtada ah ay la garab taagan yihiin umadda Soomaaliyeed.

Soo bandhigida iyo shaacinta hantida iyo daqliga dowlada

Dowlada Federaalka ah waa in ay shaacisaa una soo bandhigtaa umaadda Soomaaliyeed Daqliga soo galay iyo halka uu ku baxay si loo abuuro kalsooni u dhaxeeysa shacabka iyo dowlada.

La xisaabtanka ku jawrfalayaasha xuquuqda Aadanaha

Qof kasta oo geystay jariimo waa in lagula xisaabtamo. Beesha caalamku waa inay dadka Soomaaliyeed ka gargaarto sida looga bixi lahaa dhaqanka isu-raacasha la’aanta dembiyada.

Dhalinyaradu waa laf-dhabarka dalka

Hal Qaran waxaa ay u aragtaa dhalinyarada in yihiin hogaamintii maanta iyo tii berrito. Waxaana ay muhimad gaar ah siinaysaa sidii dhalinta looga qayb-galin lahaa geedi-socodka nabadda iyo dib u dhiska dalka.

Qaddarinta dhaqanka Iyo hidaha Soomaalida

Dhaqanka Somaaliyeed waa astaanta dalka iyo dadkaba, sidaas awgeed waa in la dhowro lana hormariyo. Hal Qaran waxaa ay u aragtaa Dhaqanka aladii la’isugu soo dhawayn lahaa umadda Soomaaliyeed.

Kob-cinta Dhaqaale u adeega Shacabka iyo Shaqo abuuris

Horumarka dalka waxa uu ku xiran yahay in la abuuro dhaqaale taakuleeye shacabka isla markaana kobciya kaabayaasha dowliga. Si loo helo umad abuurato nolol iyo deganaansho, waa in la abuuraa shaqo abuuris baahsan.

Dhisida Ciidan Qaran

Hal Qaran waxa ay ku baaqaysaa in la dhiso ciidan qaran oo isku dhafan kana tarjumayo dhamaan qaybaha kala duwan ee shacabke Soomaliyeed lehna bar dhexe (Central Command). Waa in da’daal buuxa loo galaa sidii loo heli lahaa ciidan xoogan, tayo leh, oo iskugu jira ciidanka booliiska iyo ciidanka xooga dalka, lana siiyo xuquudooda isla markaana la ilaaliyo sharafkooda.


Comments
Please login to be able to post comment