Details

Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle oo Maanta Booqasho Ku Tagay Jubaland

admin      Oct. 18, 2016, 4:31 p.m.      470

Hal Qaran (Kismayo) - Musharax Madaxweyne Mudane Jabriil Ibraahim oo dhawaanahan booqasho ku marayay gobolada dalka ayaa maanta booqasho ku tagay caasimada Jubaland ee Kismayo.

Musharaxa ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay dadweynaha iyo madaxda Jubaland oo isugu jira dhalinyaro, haween, odayaal siyaasiyiin iyo aqoonyahanno.

Mudane Jabriil ayaa aad ugu mahadceliyay dadweynihi iyo madaxdi kusoo dhaweysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismayo iyo guud ahaan dadka ku nool gobolada Jubaland.

Sawiradi Soo Dhaweynta Musharaxa:


Comments
Please login to be able to post comment