Details

Musharax Madaxweyne Jibriil Ibaarim Cabduule oo Soo Xiray Tartan Kubadda-cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir

admin      Sept. 20, 2016, 5:17 p.m.      655

Musharax Madaxweyne Jibriil Ibaarim Cabduule ayaa waxa uu soo xiray tartan kubadda-cagta ah oo lagu maamuusayay musharaxnimadiisa oo ay dheelayeen degmooyinka gobalka Banaadir, isaga oo bilado iyo koobab gudoonsiiyay kooxaha galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad. Tartanka kubadda cagta ee lagu maamuusayay musharax Jibriil ayaa waxaa ku guuleestay kooxda ku dheeleysay Magaca degmada Waaberi iyada oo kaalinta 2-aadna ay gashay kooxda Heliwaa halka Wardhiigley ay gashay kaalinta 3-aad.

Qaar kamid ciyaartoyda oo la hadlay musharaxa ayaa waxa ay sheegeen in aysan heysan groomo ay ku ciyaaraan oo ay xor u yihiin. Garoonka maanta koobka lagu gudoonsiiyayna uu yahay mid kiro ah waxa ayna ka codsadeen in dhibaatada heysata ciyaaraha dalka uu wax ka qabto hadii uu noqdo madaxweynaha dalka.

Mudane Jibriil oo munaasabadda soo-xiritaanka koobka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ayaan darro tahay in garoomadii loogu tala galay in lagu ciyaaro ay siyaabo kala duwan u xiranyihiin ama la siiyay shaqsiyaad gaar ah, isaga oo balan qaaday in uu wax ka bedelayo isboortiga Soomaaliya hadii uu noqdo madaxweynaha dalka.

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo shalay uun ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa madaxtinimo ayaa waxaa la filayaa in guul taariikhi ah uu ka gaaro doorashada dhamaadka sanadkaan dalka ka dheceysa, waxaana musharxnimadiisa soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed oo ku tilmaamay inuu yahay shaqsigii samata bixinta lahaa dalka.


Comments
  • bayaan said:

    Halganka Hal Qaran guul

    Sept. 21, 2016, 8:42 a.m., 0 reader(s) liked this.
  • Please login to be able to post comment