Details

Xafladi Loo Balansanaa ee Muddaba La Sugayay Ayaa Daqiiqado Kadib Ka Furmi doonto Hotel City Palace

admin      Sept. 19, 2016, 1:06 p.m.      199

Codsiyo muddo dheer ka imaanayay shacabka Soomaaliyeed ay ku dalbanayeen in dalka uu madaxtinimadiisa isu soo sharaxo Halyeeyga dhalinyarada iyo nabadda Soomaaliyeed Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa maanta loo fadhiyaa inuu aqbalaada codsigaas uu ka shaaciyo.

Xubnaha iyo dadka aaminsan baaqa Hal Qaran ayaa maanta ay u tahay maalin weyn ayadoo uu wadahadal muddo dheer u socday ay ku guuleysteen inuu ka aqbalo codsigaasi.

Xafladda oo ay kasoo qeyb galeen dad aad u farabadan ayaa haatan si habsami leh uga socota Hoolka iyo barxadda iyo banaanka Hotel City Palace.


Comments
Please login to be able to post comment